Posts

Mallaha Xun iyo Saamayntiisa

Image
Macnaha "Malaha Xun" Eray ahaan Malaha Xun waxa uu ka kooban yahay labo eray oo kala ah "Malo" iyo "Xun" Guud ahaana waa dhaqan ama dabeecad aan wanaagsanayn, waa Tuhun aad Tuhmayso, ama Malo aad Mallaynayso wax aadan xaqiijin weli ama aadan Cadayn u hayn. 
Macnaha Malo: Waa In aad Mala Mallaysid, ama moodid, u qaadatid wax aadan hubin Xaqiiqdooda. Macana Xun: Guud ahaan waa wax aan dhalankiisu wanaag lahayn ama aan fiicnayn.  Ibn al-Qayyim waxuu yiri: “Malaha Xun waa: Ka Buuxin aad Qalbigaada ugu buuxinayso Dadka  Malooyin ama Tuhumo Xun”
Saamaynta Malaha Xun Wanaaga waxa uu ku jiraa in la qaato Amarada Alle lagana fogaado waxyaaba nagala reebay, Alle Casa Wajala isaga oo u dhawaaqayo Dadka laga helay rumaynta dhabta ah ayuu yiri: {Kuwa xaqa rumeeyow ka fogaada Malaha badan, Malaha qaarkiisa waa Dambi, ha is jaajuusina, Qaarkiina Qaarka kale yay Xaman} Suuda Al-Xujuraad: 12.Waqtiga Maanta aan ku jirno waxaa nagu batay oo nagu faafay “Malaha Xun” waana dabeecad…

Hadalka Dadka!

Image
Dadku way hadlayaan, Waxayna ka hadlaan wax quseeya iyo waxaan qusaynba. Dadka hadalkooda waxaa ka mid ah hadal wanaagsan oo dhiiri gelin leh iyo mid aan wanaagsanayn oo abuuri kara dhibaatooyin. Qofka u qaba in uu ka nabad gelaayo Hadalka Dadka Madaxaa looga jiraa.
Bani-Adamka xaalad kasta oo aad ku jirto way kaa hadlayaan, hadaad ooydo, hadaad qususho, hadaad aamusto, hadaad dulqaadato, hadaad hadasho…., sidaa daraadeed waa inaadan isku murjin.
Imaam Shaafici ayaa yiri: “Qof Allaale  qofkii u qaba in uu ka Badbaadayo hadalka Bani-Adamka wuu waalan yahay! Allaha Sareeyay ayay wax ka sheegeen, Nebi Mohamed (SCW) ayay wax kasheegeen oo ay yiraahdeen waa saaxirow wuu waalan yahay, Maxaad u malaynaysaa waxii kasoo haray labadooda!? Dadka hadalkooda waa sida dhagxaanta, ama dhabarkaadaad ku qaadee oo waad ku jabee ama lugahaada hoostooda ayaad kagaa dhisanee catabad sare kuu qaada waadna guulaysanaysaa”
Qofka guul daraystay waa qofka isku dhiiba hadalka Dadka ee aan awoodin in uu difaaco naf…

43 Guuradii Maalinta Barayaasha Soomaaliyeed

Image
21-ka Nofembar 2017


Maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 21-ka Nofembar 2017, waa maalin qaran, Waa Maalinta dalka Soomaaliya loo asteeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.  21 Nofembar sanadka markuu ahaa 1974-tii ayaa dowladii Militeriga ee Mahamed Siyad Bare Allaha u naxariistee waxay u aqoonsatay maalintaa “maalinta macalinka Soomaaliyeed”.
Maatna oo kale Soomaaliya waagii hore waxaa gebi ahaan la fasixi jiray dugsiyada si loo xuso kaalinta macaallinka uu Bulshadu kaga jiro, balse waayadaan dambe taa meesha way ka baxday oo Dugsiyadda qaar way shaqeeyaan kuwana xiisadaha dambe ayeey fasaxaan.
Macallinka Soomaaliyeed wuxuu gacanta kusoo hayey wax baridda carruurta Soomaaliyeed muddo aad u fog tan iyo intay jirtay Taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Macallinku waa Kaaliyaha isbeddelka iyo kan riixa ama dhaqaajiya horukaca si uu u soo dedejiyo isbeddelka xilli kasta loo baahan yahay. 
Gabyaa Carbeed ayaa yiri: “U istaag Macallinka oo wayneey, Waxa uu ku dhowaaday Macallink in uu noqdo Ras…

Seddaxda Waadi ee Jahanama!!

Image
Cumar Binu Caas Waxa uu yiri: “Hadii Midkiina uu ogaan lahaa Xaqiiqada Jahanama, Waxa uu ka Qaylin lahaa ilaa uu go’o Codkiisa, Waxuuna Tukan lahaa ilaa uu Dhabarka jabo”. Halaga Digtoonaado Seddaxda Waadi ee Naarta Jahanama ku dhex taala, seddaxdaa waadi ayaa lagu kala magacaabaa: 1- Waadi Al-Gayi (الغَّي) 2- Waadi Al-Wayl (الوَّيل) 3- Waadi Saqara (سقر)
Waadi Al-Gayi (الغَّي) Waadigaan ayaa laagu tala galay Dadka Salaadaha isku aruuriya (Jamciya) oo mar kaliya wada Tukado, Waxa ay dayaceen Salaada waqtigeeda inay ilaaliyaan ama dhowraan. Sidaa daraadeed Allaha Sareeyay waxuu inoo sheegay kuwaa in lagu Tuuri doono Waadigaa loogu magac daray “Gayi”
Waadi Al-Wayl (الوَّيل) Waa waadi ay ka buuxaan Abeesooyin iyo Dib-qaloocyo Cabsi badan, waxaana loogu tala galay Dadka Salaadaha dib u dhiga Cudur daar la’aan.  Culumo badana waxay ka digeen dhibka ka dhalaanayo  Salaada oo aan waqtigeeda lagu Tukan. Islaamka waxa uu Ruqsad (Fasax) u siiyay in ay Salaada Dib dhigaan Dadka aan Salaada Waqtigeeda ku…

Qaraxii Zoobe yaa lagu Xasuusan doonaa?

Image
Maalin waliba sha’nigeeda ayay leedahay, mida kale wax waliba oo nagu dhacay waa waxaan gacmaheena ku kasbanay/Keensanay Allana ma ahan mid Dhulmiya Adoomadiisa, waxaana mudanahay in aan Alle u laabano, is badel dhab ahna la imaadno, kuna shukrino Nicmooyinka Allen a siiyay. Mida kale waqti adag marka aad ku jirto cida kuu soo gurmata ama ku garab istaagta weligaa ma ilaawi doontid hadaadan ahayd qof inkara wanaaga loo sameeyay. Qofka xitaa kuu muujiya in uu ka murugaysan yahay dhibka kusoo gaadhay ayaa abaal looga hayaa. Qaraxii Zoobe Qarax loo adeegsaday Gaari kuwa xamuulka loona yaqaan TM oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday galab nimadii sabtida abaare 3:29 a.m waddada ugu mashquulka badan ee isgoyska Zoobe. Qaraxaa ayaa ahaa kii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa inta la xasuusto Taariikhda dhow ee soomaaliya sida ay xaqiijiyeen Dowladda Soomaaliya, gawaarida Gurmadka iyo Goobaha Caafimaadka. Waxaa ku dhimatay qaraxaa inta la xaqiijiyay ku dhowaad 358 …