Posts

Showing posts from October, 2017

Qaraxii Zoobe maxaa lagu Xasuusan doonaa?

Image
Maalin waliba sha’nigeeda ayay leedahay, mida kale wax waliba oo nagu dhacay waa waxaan gacmaheena ku kasbanay/Keensanay Allana ma ahan mid Dhulmiya Adoomadiisa, waxaana mudanahay in aan Alle u laabano, is badel dhab ahna la imaadno, kuna shukrino Nicmooyinka Alle na siiyay. Mida kale marka aad ku jirto waqti adag cida kuu soo gurmata ama ku garab istaagta weligaa ma ilaawdid hadaadan ahayd qof dafira wanaaga loo sameeyay. Qofka xitaa kuu muujiya in uu ka murugaysan yahay dhibka kusoo gaadhay ayaa abaal looga hayaa. Qaraxii Zoobe Qarax loo adeegsaday Gaari kuwa xamuulka loona yaqaan TM oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday galab nimadii sabtida abaare 3:29 a.m waddada ugu mashquulka badan ee isgoyska Zoobe. Qaraxaa ayaa ahaa kii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa inta la xasuusto Taariikhda dhow ee soomaaliya sida ay xaqiijiyeen Dowladda Soomaaliya, gawaarida Gurmadka iyo Goobaha Caafimaadka. Waxaa ku dhimatay qaraxaa inta la xaqiijiyay ku d

Mallaha Xun iyo Saamayntiisa

Macnaha "Malaha Xun" Eray ahaan Malaha Xun waxa uu ka kooban yahay labo eray oo kala ah "Malo" iyo "Xun" Guud ahaana waa dhaqan ama dabeecad aan wanaagsanayn, waa Tuhun aad Tuhmayso, ama Malo aad Mallaynayso wax aadan xaqiijin weli ama aadan Cadayn u hayn.  Macnaha Malo: Waa In aad Mala Mallaysid, ama moodid, u qaadatid wax aadan hubin Xaqiiqdooda. Macana Xun: Guud ahaan waa wax aan dhalankiisu wanaag lahayn ama aan fiicnayn.  Ibn al-Qayyim waxuu yiri: “Malaha Xun waa: Ka Buuxin aad  Qalbigaada  ugu buuxinayso Dadka  Malooyin ama Tuhumo Xun” Saamaynta Malaha Xun Wanaaga waxa uu ku jiraa in la qaato Amarada Alle lagana fogaado waxyaaba nagala reebay, Alle Casa Wajala isaga oo u dhawaaqayo Dadka laga helay rumaynta dhabta ah ayuu yiri: {Kuwa xaqa rumeeyow ka fogaada Malaha badan, Malaha qaarkiisa waa Dambi, ha is jaajuusina, Qaarkiina Qaarka kale yay Xaman} Suuda Al-Xujuraad: 12. Waqtiga Maanta aan ku jirno waxaa nagu batay oo nagu faafay “Malaha Xun”