Mallaha Xun iyo Saamayntiisa

Macnaha "Malaha Xun"
Eray ahaan Malaha Xun waxa uu ka kooban yahay labo eray oo kala ah "Malo" iyo "Xun" Guud ahaana waa dhaqan ama dabeecad aan wanaagsanayn, waa Tuhun aad Tuhmayso, ama Malo aad Mallaynayso wax aadan xaqiijin weli ama aadan Cadayn u hayn. 
Macnaha Malo: Waa In aad Mala Mallaysid, ama moodid, u qaadatid wax aadan hubin Xaqiiqdooda.
Macana Xun: Guud ahaan waa wax aan dhalankiisu wanaag lahayn ama aan fiicnayn. 
Ibn al-Qayyim waxuu yiri: “Malaha Xun waa: Ka Buuxin aad Qalbigaada ugu buuxinayso Dadka  Malooyin ama Tuhumo Xun”
Saamaynta Malaha Xun
Wanaaga waxa uu ku jiraa in la qaato Amarada Alle
lagana fogaado waxyaaba nagala reebay,
Alle Casa Wajala isaga oo u dhawaaqayo Dadka laga helay rumaynta dhabta ah ayuu yiri:
{Kuwa xaqa rumeeyow ka fogaada Malaha badan, Malaha qaarkiisa waa Dambi, ha is
jaajuusina, Qaarkiina Qaarka kale yay Xaman} Suuda Al-Xujuraad: 12.
Waqtiga Maanta aan ku jirno waxaa nagu batay oo nagu faafay “Malaha Xun” waana dabeecad
ka mid ah dabeecaddaha Xun xun taas uu Allaha Sareeyay na faray inaan ka wada fogaano si
uu Qofka ugu dhicin Malahaa Xun. Marna nooma banayn Alle Malaha xun.
Haddi maanta aad eegto Waaqaca aan ku noolnahay waxa aad arkaysaa in Malaha Xun uu Saamayn Xun ku leeyahay Bulshada dhaxdeeda.

  •  Malaha Xun dartiisa Meeqa loo dilay?
  •  Meeqaa loo xiray Mala Xun dartiisa?
  • Imisaa Dareenkooda la xumeeyay Malo Xun darteeda?
  • Malaha Xun dartiisa meeqa Xariir ayuu jaray oo ka dhaxeeyay Nin iyo Afadiisa, Aabbe iyo Caruurtiisa, Saaxiibo jaamacad wada dhigta,  saaxiibo meel ka wada shaqeeya?
- Meeqa Haweenay ayaa lagu furay Malaha Xun dartiisa?
Sidaa owgeed Nabigeena Muhamed (S.C.W) waxa uu inooga digay guud ahaan Malaha. Waxaa nagala digayaa in aan wax u malayno deedna qaadano go’aan ku salaysan Malahaa aan u Malaynay ama Tuhunkaa aan Tuhannay.Waxuu kaloo inooga digay Nebigaana (S.C.W) inaynaan is Xasdin, is dawa gelin ama isjaajuusin xitaa inaynaan is Xaman oo aan ahaano Addoomo Alle oo Walaala ah.
Marka Bani’aadamka ama Qofka uu Malo Xun u qaado Hawaynaydiisa, Deriskiisa, ama walaalkiisa sidoo kale Haday Haweynay Malo xun u qaado Ninkeeda, Walaasheeda ama saaxiibteeda waxaa dhacayso in  la sameeyo Xumaanta ay inaga reebeen Alle iyo Rasuulkiisa Muhamed (S.C.W).
Marka sidaa Malo Xun layska Maleeyo Qofka waxa uu bilaabayaa in uu Jaajuuso, in uu dadka way waydiiyo/so Ma aragteen Hebel ama Heblaayo oo waxa samaynaayo, ma u malaynaysaa in uu sidaa sameeyay ka dibna  waxaa ka dhalanaayo in laysku furo, la kala go’o la kala fogaado.
Waxaa oo dhan waa natiijasa ama saamaynta ka dhalanayso Malaha Xun, waana in aan ka wada fogaana sida nala faray oo aan wanaajinaa Malaheena, Malo wanaagsan waa in aan ka buuxinaa Qalbiyadeena.
Gunaanad
Waxaan kusoo Gunaanadaa Qoraalkaan gaaban Sheekadaan Gaaban oo Xambaarsan Macno balaaran, Afka Carabiga ayay ku qorneed waan Tarjumay:
"Nin ayaa Maalin Eygiisa ku dhaaftay in uu u ilaaliyo Cunigiisa yar iyo Gurigiisa, waxa uuna aaday Ninkaa Ugaarsi, goortuu kasoo laabtay ugaarsiga ayuu arkay Eygiisa oo Guriga hortiisa ku Ciyayo (Qaylinaayo) Miciyihiisuna ay leeyihiin Dhiig, Waxa  uu u maleeyay Ninka sida aan u wada Maleenayno in Eygii uu Cunay Cunigiisa yaraa!! 
Qorigiisa ayuu Nafta kaga Qaaday Eygii, waxuuna durbadiiba galay Gurigiisa si uu u arko inta ka hartay Cunugiisa, waxuu arkay Yey( ذئب) dhiigiisa daadsan meesha Cunugiisuna wax dhibaato ah gaarin”
Qiyaas dareenka dambiyeed ee Ninkaa dilay Eyga iyo Shalaytada la socandoonto Nolashiisha oo dhan. Meeqa Naf ayaa sidaa Dulmiga ah loo dilay?
Yeynan Fiirin oo kaliya waxa inoo Muuqda ee waa inaan fiirinaa CAQLIGEENA, Marka Hore Aanu ogaano Xaqiiqda (RUNTA) yaanan ku degdegin in aan wax ku Xukuno arigtideena, si ayna uga dhalan Qoomamo  daba socota Nolasheena oo Dhan
Sayid Ahmed Mohamed


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dadka waxaa ugu Qeyr badan kan ugu Anfaca badan

Qaraxii Zoobe maxaa lagu Xasuusan doonaa?