Qaraxii Zoobe maxaa lagu Xasuusan doonaa?
Maalin
waliba sha’nigeeda ayay leedahay, mida kale wax waliba oo nagu dhacay waa
waxaan gacmaheena ku kasbanay/Keensanay Allana ma ahan mid Dhulmiya
Adoomadiisa, waxaana mudanahay in aan Alle u laabano, is badel dhab ahna la
imaadno, kuna shukrino Nicmooyinka Alle na siiyay.
Mida kale marka aad ku
jirto waqti adag cida kuu soo gurmata ama ku garab istaagta weligaa ma ilaawdid hadaadan ahayd qof dafira wanaaga loo sameeyay. Qofka xitaa kuu muujiya in uu
ka murugaysan yahay dhibka kusoo gaadhay ayaa abaal looga hayaa.
Qaraxii Zoobe
Qarax loo
adeegsaday Gaari kuwa xamuulka loona yaqaan TM oo laga soo buuxiyay waxyaabaha
Qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday galab nimadii sabtida abaare 3:29 a.m waddada
ugu mashquulka badan ee isgoyska Zoobe. Qaraxaa ayaa ahaa kii ugu dhimashada iyo
dhaawaca badnaa inta la xasuusto Taariikhda dhow ee soomaaliya sida ay
xaqiijiyeen Dowladda Soomaaliya, gawaarida Gurmadka iyo Goobaha Caafimaadka.
Waxaa ku
dhimatay qaraxaa inta la xaqiijiyay ku dhowaad 358 iyo dheeraad, tiro intaa ka
badana way ku dhaawacantay, waxaa kaloo jira tiro kale oo weli aan lagu haynin
Nolol iyo Geeri.
Qaraxaan
lagu hoobtay weli lama haayo cid sheegatay Masuuliyadiisa balse Dowlada
Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedaysay in ay ka dambeeyeen ururka Al-shabaab oo
horay u sheegtay Qaraxyo badan oo ka dhacay Soomaaliya.
Yaa la Xasuusan Doonnaa!
Hadaba
Qaraxaa ayaa noqday kii mideeyay Quluubta Soomaalida. Dowlada Federaalkana ayaa
Calanka Dalka muddo 3 cisho ah hoos u dhigtay, iyadoo Miisaaniyada Dalkana laga
jaray 1milyan.
Waxay Dowlada
Soomaliya Gargaar ka heshay Shacabka Reer Muqdishu, Hay’ado sida Samsam, Shirkado
sida BECO, Hormuud iyo Masuuliyiin Soomaliyeed, Maamul Goboleebyada Dalka iyo Dalalka
Saaxiibada la ah Soomaaliya.
Shacabka: Mahadi ha ka gaartee Shacabka reer
Muqdishu haba ugu horeeyaan dhaliinyarada ayaa gurmad u fidiyay Walaalahooda
lagu xasuuqay Qaraxii Zoobe, dhallinyaradaas oo u bilaabay in dhiig ay u
dhubaan walaalahooda, in ay baadi goobaan dadka la la’yahay, ka qayb qaatay Nadaafada
goobtii Mashaqada ba’an ay ka dhacday, sameeyay isku soo bax Tacsi oo lagu
muujinaayay sida ay ugu xun yihiin waxii dhacay.
Turkiga: Ha is waydiin sababta Turkiga uu u noqdo
mar waliba Dowladda ugu horaysa ee inoo gurmata mar waliba oo dhib na gaaro, xasuuso
Abaarahii nagu dhacay 2011 waxa uu ahaa wadamadii ugu horeeyay ee inoo soo
gurmaday. Rasil Wasaaraha Turkiga “Binali Yıldırım” ayaa sheegay “uma
aadayno Soomaaliya Maal iyo Doolar inaan ka helno waxaan u tagnay Soomaaliya
Bani’aadam nimo iyo Walaaltinimo, taasina waa waxa inaga Soocaya Dalalka kale”.
Dowladda Turkiga ayaa hadana Noqotay Dowladdii ugu horaysay ee Daawo ugu deeqday
Soomaaliya. Wasiirka Caafimaadka Turkiga “Ahmet Demircan”, dhaqaatiir iyo
kalkaaliyeyaal caafimaad aya soo gaaray Mogadishu. Diyaarad sida daawooyin tayo
leh ayaa ka degay Garoonka Adan Cade, Calanka Turkiga ayaa hoos loo dhigay,
Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Tacsi usoo diray Dowladda
Somaliya, Ku dhowaad 40 qofood oo dhaawac qaba ayaa Turkiga loo qaaday. Sidoo kale
Bangiga dhexe ee Muqdishu ayuu dhigay Turkiga 10 milyan si loogu deeqo dadkii
waayay dadkooda, Buundada Caanka eh ee Dalka Turkiga ayaa laga Daaray Iftiin
Buluug ah, si ay u Muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibkii loo geystay Shacabkii
maatida ahaa.
Jabuuti: Dowladda Walaalaheena Jabuuti ayaa
diyaarad gargaar oo caafimaad sida uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Jabuuti
“Jaamac Cilmi Cukuyieiyo” illaa 30 dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal
caafimaad oo qeyb ka noqonaya gurmadka iyo samata bixinta dadka ay xaaladooda
liidato usoo dirtay Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Mareykanka: Dowladda Mareykanka ayaa Diyaarad
Milateri oo sida dhowr Tan oo Daawo iyo qalab caafimaad u soo dirtay Dowladda
Federaalka Soomaaliya si loogu daaweeyo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii 14 October.
Bayaan Aqalka
cad ee dalka Mareykanka kasoo baxay ayaa si weyn loogu Cambaareeyay Qaraxii
musiibada ahaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe. Waxay sheegtay Dowladda Mareykanka inay
garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda, si loo xaqiijiyo Amniga
guud iyo Dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Qatar: Dayaarad sidday 2ton Daawo, Dhakhaatiir
iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayay Dowladda Qatar usoo dirtay Dowladda
Federaalka. Halka ay ku dhowaad dhowr iyo toban qaba dhaawacyo halisna u qaaday
Dalka Suudaan ayadoo balan qaaday qarashaadka ku baxayo bukaanadaas, wayna inoo
Tacsiyeeyeen.
Kenya: Dowladda aan Deriska nahay ee Kenya ayaa
iyadana usoo dirtay Dowladda Soomaaliya laba diyaaradood oo yar yar oo sida
deeq daawo ah isla markaana waxay horay u sii qaadeen tobaneeyo dhaawac ah
sidoo kale wayna ka tacsiyeeyeen mashaqadii inagu dhacday.
Mamul Gobaleedyada: M. Gobaleedyada ayaa iyaguna kuwo
ay fidiyeen deeq Daawo iyo maal sida:
·Maamulka Puntland ayaa diyaarad
sida daawo iyo dhakhaatiir caafimaad usoo dirtay Dowlada Dhaxe, waxayna aruuriyeen
lacag ku dhowaad $400,000 (Afar boqol kun oo daalar).
·Maamulka Jubaland waxay
kaga qayb qaateen dhibka dhacay Maal ay iska Aruuriyeen, Maamulada kale ayaa
kaga qayb galay Cambaareyn iyo in hal meel looga soo wada jeesto Cadowga
Soomaaliya.
· Maamulka Somaliland ayaa
asna si kulul u cambaareeyay Qaraxii Zoobe.
Faransa: Dowladda Faranse ayaa waxay demisay Nalalka
Taallada Tour Eiffel ee Paris ay ku caanka tahay, iyada oo loogu boroor-diiqayo dhacdadii xumayd
ee ka dhacday is goyska Zoobe sabtidii 14 October.
Canada: Dowladda Camada ayaa Tawarka Toronto ee
Dalkeeda ku muujisay Nalal midabka calanka Soomaaliya, si ay nala murugoodaan.
Imaaraadka: Diblomaasiyiinta Safaaraadda
Dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa Dhiig ugu deeqay dadkii
Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Bahalnimada ahaa ee Zoobe si la
mid ah Hay’dda Bisha Cas ee imaaraadka Carabta ayaa u qaybisay gargaar isugu
jirta Timir iyo Biyo dadkii ku dhaawacmay iyo sidoo kale dadka wada
ololaha nadaafadda goobtii uu falka ka dhacay.
Dowladaha
Moroko, Sudan, Urdun, Masar, Sacuudiga, Itoobiya,
Swedan, Jarmalka, Ingiriiska, Ugaanda, Shiinaha iyo Koonfur
Afrika ayaa kuwana Dhambaalo soo
diray kuwana Qadka telefanka kula soo xariiray Madaxwaynaha dalka, kuwana way Cambaareeyeen
wayna ka Tacsiyeeyeen Qaraxii Ka Dhacay Sabtidii 14 October isgoyska Zoobe.
Qaramadda Midoobay iyo IGAD ayaa si kulul u
cambaareeyay una Tacsiyeeyay Dowladda Federaalka iyo shacabkeeda Qaraxii ka
dhacay Zoobe.
Talyaaniga: Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay
in ay ku deeqday lacag dhan 300,000 oo Euro si ay u siiso Bisha Cas ee
Soomaaliyeed si wax loogu qabto dhibanayaashii ku wax yeeloobay Qaraxii KM5.
Waxaa
kaloo jiray Dalal badan oo sameeyay balanqaadyo aan ka dhabayn, saaxiibka dhabta
ah waa kan ku garab taagan waqti adag marka aad ku jirto.
W/Q: Sayid Ahmed M.
Comments
Post a Comment