Posts

Showing posts from November, 2017

43 Guuradii Maalinta Barayaasha Soomaaliyeed

Image
21-ka Nofembar 2017 Maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 21-ka Nofembar 2017, waa maalin qaran, Waa Maalinta dalka Soomaaliya loo asteeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.  21 Nofembar sanadka markuu ahaa 1974-tii ayaa dowladii Militeriga ee Mahamed Siyad Bare Allaha u naxariistee waxay u aqoonsatay maalintaa “maalinta macalinka Soomaaliyeed”. Maatna oo kale Soomaaliya waagii hore waxaa gebi ahaan la fasixi jiray dugsiyada si loo xuso kaalinta macaallinka uu Bulshadu kaga jiro, balse waayadaan dambe taa meesha way ka baxday oo Dugsiyadda qaar way shaqeeyaan kuwana xiisadaha dambe ayeey fasaxaan. Macallinka Soomaaliyeed wuxuu gacanta kusoo hayey wax baridda carruurta Soomaaliyeed muddo aad u fog tan iyo intay jirtay Taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Macallinku waa Kaaliyaha isbeddelka iyo kan riixa ama dhaqaajiya horukaca si uu u soo dedejiyo isbeddelka xilli kasta loo baahan yahay.  Gabyaa Carbeed ayaa yiri: “U istaag Macallinka oo wayneey, Waxa uu k

Seddaxda Waadi ee Jahanama!!

Image
Cumar Binu Caas Waxa uu yiri: “Hadii Midkiina uu ogaan lahaa Xaqiiqada Jahanama, Waxa uu ka Qaylin lahaa ilaa uu go’o Codkiisa, Waxuuna Tukan lahaa ilaa uu Dhabarka jabo”. Halaga Digtoonaado Seddaxda Waadi ee Naarta Jahanama ku dhex taala, seddaxdaa waadi ayaa lagu kala magacaabaa: 1- Waadi Al-Gayi ( الغَّي ) 2- Waadi Al-Wayl ( الوَّيل ) 3- Waadi Saqara ( سقر ) Waadi Al-Gayi ( الغَّي ) Waadigaan ayaa laagu tala galay Dadka Salaadaha isku aruuriya (Jamciya) oo mar kaliya wada Tukado, Waxa ay dayaceen Salaada waqtigeeda inay ilaaliyaan ama dhowraan. Sidaa daraadeed Allaha Sareeyay waxuu inoo sheegay kuwaa in lagu Tuuri doono Waadigaa loogu magac daray “Gayi” Waadi Al-Wayl ( الوَّيل ) Waa waadi ay ka buuxaan Abeesooyin iyo Dib-qaloocyo Cabsi badan, waxaana loogu tala galay Dadka Salaadaha dib u dhiga Cudur daar la’aan.  Culumo badana waxay ka digeen dhibka ka dhalaanayo  Salaada oo aan waqtigeeda lagu Tukan. Islaamka waxa uu Ruqsad (Fasax) u siiyay in ay Salaada Dib dh