43 Guuradii Maalinta Barayaasha Soomaaliyeed




21-ka Nofembar 2017


Maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 21-ka Nofembar 2017, waa maalin qaran, Waa Maalinta dalka Soomaaliya loo asteeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed. 
21 Nofembar sanadka markuu ahaa 1974-tii ayaa dowladii Militeriga ee Mahamed Siyad Bare Allaha u naxariistee waxay u aqoonsatay maalintaa “maalinta macalinka Soomaaliyeed”.

Maatna oo kale Soomaaliya waagii hore waxaa gebi ahaan la fasixi jiray dugsiyada si loo xuso kaalinta macaallinka uu Bulshadu kaga jiro, balse waayadaan dambe taa meesha way ka baxday oo Dugsiyadda qaar way shaqeeyaan kuwana xiisadaha dambe ayeey fasaxaan.

Macallinka Soomaaliyeed wuxuu gacanta kusoo hayey wax baridda carruurta Soomaaliyeed muddo aad u fog tan iyo intay jirtay Taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Macallinku waa Kaaliyaha isbeddelka iyo kan riixa ama dhaqaajiya horukaca si uu u soo dedejiyo isbeddelka xilli kasta loo baahan yahay. 

Gabyaa Carbeed ayaa yiri: “U istaag Macallinka oo wayneey, Waxa uu ku dhowaaday Macallink in uu noqdo Rasuul”.

Macalinku waxa uu xushmad, karaamo iyo qadarin ku dhex leeyahay bulshada dhexdeeda maadaama uu soo saarayo ubaxa iyo aayaha bulshada uu ku dhex nool yahay.

21 Nofember waxa ay na xasuusinaysaa raga tiir dhexaadka u ahaa kana dambeeyay sida looga shaqeeyo waxbarashada cusub ee maanta dalkeena ka jirta, taas oo gundhig iyo aasaas u noqotay aqoonta, howkarnimada iyo kartida bulshadeena ka muuqato. Raggaa waxaa ka mid ah:
-Maxamuud Axmed Cali, 
-Macallin Jaamac Bilaal, 
-Seekh Cali Suufi,

Ammaan aan lasoo koobi Karin waxaa kaloo iska leh Barayaashii is xilqaamay oo markii xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre burburtay Dugsiyada iyo jaamacadaha soo nooleeyey oo ka dhiidhiyey in waxbarasho la’aan ku dhacdo carruurta Soomaaliyeed ee xasillooni darrada iyo kala dambayn la’aanta ku dhashay ay ku barbaaraan jahli iyo aqoonla’aan.


Ugu dambayntii waxaan Anigoo ku hadlaaya magacayga iyo magaca Macallimiinta Soomaaliyeed Qoraalkaan ku leeyahay hambalyo xuska maalinta macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofembar oo ay kasoo wareegtay 43 sano, waxaanna Macallimiinta ugu baaqayaa in ay dadaalkooda sii jibaaraan, Allana waxaan ugu baryayaa in uu siiyo liibaanta Adduun iyo Aakhiraba.


W/Q: Sayid Ahmed M.

Comments

Popular posts from this blog

Mallaha Xun iyo Saamayntiisa

Dadka waxaa ugu Qeyr badan kan ugu Anfaca badan

Qaraxii Zoobe maxaa lagu Xasuusan doonaa?