Seddaxda Waadi ee Jahanama!!

Cumar Binu Caas Waxa uu yiri: “Hadii Midkiina uu ogaan lahaa Xaqiiqada Jahanama, Waxa uu ka Qaylin lahaa ilaa uu go’o Codkiisa, Waxuuna Tukan lahaa ilaa uu Dhabarka jabo”.
Halaga Digtoonaado Seddaxda Waadi ee Naarta Jahanama ku dhex taala, seddaxdaa waadi ayaa lagu kala magacaabaa:
1- Waadi Al-Gayi (الغَّي)
2- Waadi Al-Wayl (الوَّيل)
3- Waadi Saqara (سقر)

Waadi Al-Gayi (الغَّي)
Waadigaan ayaa laagu tala galay Dadka Salaadaha isku aruuriya (Jamciya) oo mar kaliya wada Tukado, Waxa ay dayaceen Salaada waqtigeeda inay ilaaliyaan ama dhowraan. Sidaa daraadeed Allaha Sareeyay waxuu inoo sheegay kuwaa in lagu Tuuri doono Waadigaa loogu magac daray “Gayi”

Waadi Al-Wayl (الوَّيل)
Waa waadi ay ka buuxaan Abeesooyin iyo Dib-qaloocyo Cabsi badan, waxaana loogu tala galay Dadka Salaadaha dib u dhiga Cudur daar la’aan.  Culumo badana waxay ka digeen dhibka ka dhalaanayo  Salaada oo aan waqtigeeda lagu Tukan. Islaamka waxa uu Ruqsad (Fasax) u siiyay in ay Salaada Dib dhigaan Dadka aan Salaada Waqtigeeda ku Tukan Karin sida Qofka Musaafirka ah iyo Qofka xanuunsan.

Waadi Saqara (سقر)
Wadigaan ayaa laagu tala galay in ay galaan kaliya Dad ka mid ah Muslimiinta ee Salaada ka taga, Marka la waydiiyo Maxaa idin keenay Saqara? Waxay ku jawaabayaan Ma aanan Tukan jirin. Waq la qiyaasi karo ma ahan kulaylkeeda, waxaa lala soo bixinaa kuwa ka taga Salaada Fircoon iyo Haamaan, Waxaana ka xariman Shafaacada Nebi Mohamed (C.S.W)

W/Q: Sayid Ahmed Mohamed- Sayidka


Comments

Popular posts from this blog

Mallaha Xun iyo Saamayntiisa

Dadka waxaa ugu Qeyr badan kan ugu Anfaca badan

Qaraxii Zoobe maxaa lagu Xasuusan doonaa?