Posts

Showing posts from January, 2018

Hadalka Dadka!

Image
Dadku way hadlayaan, Waxayna ka hadlaan wax quseeya iyo waxaan qusaynba. Dadka hadalkooda waxaa ka mid ah hadal wanaagsan oo dhiiri gelin leh iyo mid aan wanaagsanayn oo abuuri kara dhibaatooyin. Qofka u qaba in uu ka nabad gelaayo Hadalka Dadka Madaxaa looga jiraa. Bani-Adamka xaalad kasta oo aad ku jirto way kaa hadlayaan, hadaad ooydo, hadaad qususho, hadaad aamusto, hadaad dulqaadato, hadaad hadasho…., sidaa daraadeed waa inaadan isku murjin. Imaam Shaafici ayaa yiri: “Qof Allaale  qofkii u qaba in uu ka Badbaadayo hadalka Bani-Adamka wuu waalan yahay! Allaha Sareeyay ayay wax ka sheegeen, Nebi Mohamed (SCW) ayay wax kasheegeen oo ay yiraahdeen waa saaxirow wuu waalan yahay, Maxaad u malaynaysaa waxii kasoo haray labadooda!? Dadka hadalkooda waa sida dhagxaanta, ama dhabarkaadaad ku qaadee oo waad ku jabee ama lugahaada hoostooda ayaad kagaa dhisanee catabad sare kuu qaada waadna guulaysanaysaa” Qofka guul daraystay waa qofka isku dhiiba hadalka Dadka ee aan awood