Qaraxii Zoobe maxaa lagu Xasuusan doonaa?



Maalin waliba sha’nigeeda ayay leedahay, mida kale wax waliba oo nagu dhacay waa waxaan gacmaheena ku kasbanay/Keensanay Allana ma ahan mid Dhulmiya Adoomadiisa, waxaana mudanahay in aan Alle u laabano, is badel dhab ahna la imaadno, kuna shukrino Nicmooyinka Alle na siiyay.
Mida kale marka aad ku jirto waqti adag cida kuu soo gurmata ama ku garab istaagta weligaa ma ilaawdid hadaadan ahayd qof dafira wanaaga loo sameeyay. Qofka xitaa kuu muujiya in uu ka murugaysan yahay dhibka kusoo gaadhay ayaa abaal looga hayaa.
Qaraxii Zoobe
Qarax loo adeegsaday Gaari kuwa xamuulka loona yaqaan TM oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday galab nimadii sabtida abaare 3:29 a.m waddada ugu mashquulka badan ee isgoyska Zoobe. Qaraxaa ayaa ahaa kii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa inta la xasuusto Taariikhda dhow ee soomaaliya sida ay xaqiijiyeen Dowladda Soomaaliya, gawaarida Gurmadka iyo Goobaha Caafimaadka.
Waxaa ku dhimatay qaraxaa inta la xaqiijiyay ku dhowaad 358 iyo dheeraad, tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay, waxaa kaloo jira tiro kale oo weli aan lagu haynin Nolol iyo Geeri.
Qaraxaan lagu hoobtay weli lama haayo cid sheegatay Masuuliyadiisa balse Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedaysay in ay ka dambeeyeen ururka Al-shabaab oo horay u sheegtay Qaraxyo badan oo ka dhacay Soomaaliya.
Yaa la Xasuusan Doonnaa!
Hadaba Qaraxaa ayaa noqday kii mideeyay Quluubta Soomaalida. Dowlada Federaalkana ayaa Calanka Dalka muddo 3 cisho ah hoos u dhigtay, iyadoo Miisaaniyada Dalkana laga jaray 1milyan.
Waxay Dowlada Soomaliya Gargaar ka heshay Shacabka Reer Muqdishu, Hay’ado sida Samsam, Shirkado sida BECO, Hormuud iyo Masuuliyiin Soomaliyeed, Maamul Goboleebyada Dalka iyo Dalalka Saaxiibada la ah Soomaaliya.
Shacabka: Mahadi ha ka gaartee Shacabka reer Muqdishu haba ugu horeeyaan dhaliinyarada ayaa gurmad u fidiyay Walaalahooda lagu xasuuqay Qaraxii Zoobe, dhallinyaradaas oo u bilaabay in dhiig ay u dhubaan walaalahooda, in ay baadi goobaan dadka la la’yahay, ka qayb qaatay Nadaafada goobtii Mashaqada ba’an ay ka dhacday, sameeyay isku soo bax Tacsi oo lagu muujinaayay sida ay ugu xun yihiin waxii dhacay.
Turkiga: Ha is waydiin sababta Turkiga uu u noqdo mar waliba Dowladda ugu horaysa ee inoo gurmata mar waliba oo dhib na gaaro, xasuuso Abaarahii nagu dhacay 2011 waxa uu ahaa wadamadii ugu horeeyay ee inoo soo gurmaday. Rasil Wasaaraha Turkiga “Binali Yıldırım” ayaa sheegay “uma aadayno Soomaaliya Maal iyo Doolar inaan ka helno waxaan u tagnay Soomaaliya Bani’aadam nimo iyo Walaaltinimo, taasina waa waxa inaga Soocaya Dalalka kale”. Dowladda Turkiga ayaa hadana Noqotay Dowladdii ugu horaysay ee Daawo ugu deeqday Soomaaliya. Wasiirka Caafimaadka Turkiga “Ahmet Demircan”, dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad aya soo gaaray Mogadishu. Diyaarad sida daawooyin tayo leh ayaa ka degay Garoonka Adan Cade, Calanka Turkiga ayaa hoos loo dhigay, Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Tacsi usoo diray Dowladda Somaliya, Ku dhowaad 40 qofood oo dhaawac qaba ayaa Turkiga loo qaaday. Sidoo kale Bangiga dhexe ee Muqdishu ayuu dhigay Turkiga 10 milyan si loogu deeqo dadkii waayay dadkooda, Buundada Caanka eh ee Dalka Turkiga ayaa laga Daaray Iftiin Buluug ah, si ay u Muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibkii loo geystay Shacabkii maatida ahaa.
Jabuuti: Dowladda Walaalaheena Jabuuti ayaa diyaarad gargaar oo caafimaad sida uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Jabuuti “Jaamac Cilmi Cukuyieiyo” illaa 30 dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo qeyb ka noqonaya gurmadka iyo samata bixinta dadka ay xaaladooda liidato usoo dirtay Dowlada Federaalka Soomaaliya.  
Mareykanka: Dowladda Mareykanka ayaa Diyaarad Milateri oo sida dhowr Tan oo Daawo iyo qalab caafimaad u soo dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loogu daaweeyo Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii 14 October.
Bayaan Aqalka cad ee dalka Mareykanka kasoo baxay ayaa si weyn loogu Cambaareeyay Qaraxii musiibada ahaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe. Waxay sheegtay Dowladda Mareykanka inay garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda, si loo xaqiijiyo Amniga guud iyo Dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Qatar: Dayaarad sidday 2ton Daawo, Dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayay Dowladda Qatar usoo dirtay Dowladda Federaalka. Halka ay ku dhowaad dhowr iyo toban qaba dhaawacyo halisna u qaaday Dalka Suudaan ayadoo balan qaaday qarashaadka ku baxayo bukaanadaas, wayna inoo Tacsiyeeyeen.  
Kenya: Dowladda aan Deriska nahay ee Kenya ayaa iyadana usoo dirtay Dowladda Soomaaliya laba diyaaradood oo yar yar oo sida deeq daawo ah isla markaana waxay horay u sii qaadeen tobaneeyo dhaawac ah sidoo kale wayna ka tacsiyeeyeen mashaqadii inagu dhacday.
Mamul Gobaleedyada: M. Gobaleedyada ayaa iyaguna kuwo ay fidiyeen deeq Daawo iyo maal sida:
·Maamulka Puntland ayaa diyaarad sida daawo iyo dhakhaatiir caafimaad usoo dirtay Dowlada Dhaxe, waxayna aruuriyeen lacag ku dhowaad $400,000 (Afar boqol kun oo daalar).
·Maamulka Jubaland waxay kaga qayb qaateen dhibka dhacay Maal ay iska Aruuriyeen, Maamulada kale ayaa kaga qayb galay Cambaareyn iyo in hal meel looga soo wada jeesto Cadowga Soomaaliya.
· Maamulka Somaliland ayaa asna si kulul u cambaareeyay Qaraxii Zoobe.
Faransa: Dowladda Faranse ayaa waxay demisay Nalalka Taallada Tour Eiffel ee Paris ay ku caanka tahay,  iyada oo loogu boroor-diiqayo dhacdadii xumayd ee ka dhacday is goyska Zoobe sabtidii 14 October.
Canada: Dowladda Camada ayaa Tawarka Toronto ee Dalkeeda ku muujisay Nalal midabka calanka Soomaaliya, si ay nala murugoodaan.
Imaaraadka: Diblomaasiyiinta Safaaraadda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa Dhiig ugu deeqay dadkii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Bahalnimada ahaa ee Zoobe si la mid ah Hay’dda Bisha Cas ee imaaraadka Carabta ayaa u qaybisay gargaar isugu jirta Timir iyo Biyo dadkii ku dhaawacmay iyo sidoo kale dadka wada ololaha nadaafadda goobtii uu falka ka dhacay.
Dowladaha Moroko, Sudan, Urdun, Masar, Sacuudiga, Itoobiya, Swedan, Jarmalka, Ingiriiska, Ugaanda, Shiinaha iyo Koonfur Afrika  ayaa kuwana Dhambaalo soo diray kuwana Qadka telefanka kula soo xariiray Madaxwaynaha dalka, kuwana way Cambaareeyeen wayna ka Tacsiyeeyeen Qaraxii Ka Dhacay Sabtidii 14 October isgoyska Zoobe.
Qaramadda Midoobay iyo IGAD ayaa si kulul u cambaareeyay una Tacsiyeeyay Dowladda Federaalka iyo shacabkeeda Qaraxii ka dhacay Zoobe.
Talyaaniga: Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay ku deeqday lacag dhan 300,000 oo Euro si ay u siiso Bisha Cas ee Soomaaliyeed si wax loogu qabto dhibanayaashii ku wax yeeloobay Qaraxii KM5.
 Waxaa kaloo jiray Dalal badan oo sameeyay balanqaadyo aan ka dhabayn, saaxiibka dhabta ah waa kan ku garab taagan waqti adag marka aad ku jirto.

W/Q: Sayid Ahmed M. 


Comments

Popular posts from this blog

Mallaha Xun iyo Saamayntiisa

Dadka waxaa ugu Qeyr badan kan ugu Anfaca badan