Posts

Showing posts from August, 2023

Dadka waxaa ugu Qeyr badan kan ugu Anfaca badan

Image
Nin ayaa u yimid Dukaanle waxa uuna weydiiyay Qiimaha uu siisanayo Kiilo Muus iyo Tufaax ah, Dukaanlahii ayaa ku jawaabay “Qiimaha Muusku waa Sh. 600 , Tufaaxana Sh. 500 ” Durbadiiba Dukaanka waxa soo gashay Haweeney uu garanaayo Dukaanlaha Waxayna Waydiisay: “Imisa ayaad siisanaysaa Qiimaha Kiilo Muus iyo Tufaax?” Dukaanlahii ayaa ugu jawaabay: “Qiimaha Muusku waa Sh. 200 , Tufaaxana Sh. 50 , Haweeneydii ayaa ku faraxday Qiimaha oo Alle ku mahdisay. Ninkii la joogay Dukaanlahii ayaa islamarkiiba Xanaaqay, Waxa uuna si caro leh u fiiriyay Dukaanlahii, Markii uu Dukaanlahii arkay Carada ka muuqato Ninka wuu u il-jebiyay waxa uuna ku yiri: “ii yara Sug…” Marka uu Haweeneydii siiyay Dukaanlahii waxa ay iibsanaysay waxa uu ka qaaday lacag dhan Sh.250 , Dukaanka ayay kasii baxday iyada oo ay ka muuqado farxad oona dhahaysa: “Caruurtayda way ka wada dhergi doonaan, Illaahaa mahadsan”. Dukaanlahii ayaa usoo jeestay Ninkii la joogay Cudurdaar dalbasho kadib ku yiri: “Illaahaa