Dadka waxaa ugu Qeyr badan kan ugu Anfaca badan



Nin ayaa u yimid Dukaanle waxa uuna weydiiyay Qiimaha uu siisanayo Kiilo Muus iyo Tufaax ah, Dukaanlahii ayaa ku jawaabay “Qiimaha Muusku waa Sh. 600, Tufaaxana Sh. 500

Durbadiiba Dukaanka waxa soo gashay Haweeney uu garanaayo Dukaanlaha Waxayna Waydiisay: “Imisa ayaad siisanaysaa Qiimaha Kiilo Muus iyo Tufaax?”
Dukaanlahii ayaa ugu jawaabay: “Qiimaha Muusku waa Sh. 200, Tufaaxana Sh. 50, Haweeneydii ayaa ku faraxday Qiimaha oo Alle ku mahdisay.
Ninkii la joogay Dukaanlahii ayaa islamarkiiba Xanaaqay, Waxa uuna si caro leh u fiiriyay Dukaanlahii, Markii uu Dukaanlahii arkay Carada ka muuqato Ninka wuu u il-jebiyay waxa uuna ku yiri: “ii yara Sug…”

Marka uu Haweeneydii siiyay Dukaanlahii waxa ay iibsanaysay waxa uu ka qaaday lacag dhan Sh.250, Dukaanka ayay kasii baxday iyada oo ay ka muuqado farxad oona dhahaysa: “Caruurtayda way ka wada dhergi doonaan, Illaahaa mahadsan”.
Dukaanlahii ayaa usoo jeestay Ninkii la joogay Cudurdaar dalbasho kadib ku yiri: “Illaahaan ku dhaartay kuma Qiyaamaayo, balse Haweeneydaan waa  Hooyada 4 Caruur oo agoon ah, wayna diidaa marka loo gargaari tago, Mar alle markaan isku dayo inaan garabsiiyo way iga diidaa oo cidna garab uguma baahni ayay igu dhahdaa….

Wax badan waxaan ku fikiray sidaan ku caawin lahaa iyadoon hortagin Wejigeeda, waxaanse ugu dambeyntii helay wadadaan oo ah inaan ka dhimo Qiimaha badeecada ay dooneyso, Waxaana rabaa inay dareento in ay Cidna u baahneyn.
Waxay ii timaadaa Todobaadkiiba hal mar, Allaha xaqa lagu Caabudaan Ku dhaartay  Maalintii ugu horeysay ay wax iga iibsato Haweeneydaan waxii ka dambeeyay waxaan bilaabay in aan helo faa’iido laba lab ah, Illaahayna waxa uu iga quudiyay meel aan Maleysaneyn. Ninkii Careysnaa waxa uu bilaabay in uu ilmeeyo waxa uuna Madaxa ka dhunkaday Dukaanlahii. “Kusoo dejiya Arsaaqda Sadaqada”

Nabigeena (N.N.K.H) waxa uu yiri “Dadka waxaa ugu Qeyr badan kan ugu Anfaca badan Dadka”.   
Haddaba aan sameyno Kheryka si kasta uu yaryahay, illeen garanmayno Wanaaga aan ku geli karno Janadda.

Sayid Ahmed Mohamed
(سيد أحمد محمد )

Comments

Popular posts from this blog

Mallaha Xun iyo Saamayntiisa

Qaraxii Zoobe maxaa lagu Xasuusan doonaa?