Hadalka Dadka!


Dadku way hadlayaan, Waxayna ka hadlaan wax quseeya iyo waxaan qusaynba. Dadka hadalkooda waxaa ka mid ah hadal wanaagsan oo dhiiri gelin leh iyo mid aan wanaagsanayn oo abuuri kara dhibaatooyin. Qofka u qaba in uu ka nabad gelaayo Hadalka Dadka Madaxaa looga jiraa.

Bani-Adamka xaalad kasta oo aad ku jirto way kaa hadlayaan, hadaad ooydo, hadaad qususho, hadaad aamusto, hadaad dulqaadato, hadaad hadasho…., sidaa daraadeed waa inaadan isku murjin.

Imaam Shaafici ayaa yiri: “Qof Allaale  qofkii u qaba in uu ka Badbaadayo hadalka Bani-Adamka wuu waalan yahay! Allaha Sareeyay ayay wax ka sheegeen, Nebi Mohamed (SCW) ayay wax kasheegeen oo ay yiraahdeen waa saaxirow wuu waalan yahay, Maxaad u malaynaysaa waxii kasoo haray labadooda!? Dadka hadalkooda waa sida dhagxaanta, ama dhabarkaadaad ku qaadee oo waad ku jabee ama lugahaada hoostooda ayaad kagaa dhisanee catabad sare kuu qaada waadna guulaysanaysaa”

Qofka guul daraystay waa qofka isku dhiiba hadalka Dadka ee aan awoodin in uu difaaco naftiisa waxuuna ka dooranaa in uu si fudud isku dhiibo halka uu iska cabin lahaa xalna u keeni lahaa dhibaatooyinkiisa. Qofkaa halkaasi ayuu uun joogaa oo hori u socod ma lahan hadafkiisa iyo riyadiisaba waxa ay ahaanayaan kuwo daciif ah.

Sidoo kale Qofka haduu ka fogaado hadalka dadka waxna uu ka dhagaysan bilaabana in uu xal u raadiyo dhibaatooyinka uu wajahayo, waxaa la hubaa in uu gaarayo horumar, sidaa daraadeed waa inaan ka dhiganaa hadalka Dadka wax ina kiciya oo na haga, Si aan u guulaysano waxaa inagu waajib ah in aan u qaadano hadalka Dadka boos dhiirigelin, si looga hortago in badan oo ka mid ah qaladaadka aan samayno marka aan ku saamowno hadalka Dadka.

Xakamadaynta Hadalka Dadka!
Si aan u awoodno inaan dadka kula dhex noolaano Nabad, Farxad iyo Xasilooni, iskana caabino hadalka Dadka, una awoodno horay inaan u qaadno talaabo waa in aan muhiimada siinaa ama ilaalinaa waxa uu Caqligeena samaynayo halkaan muhiimada siin lahayn Caqliyada Dadka kale  waxa ay samynayaan, aanan dhagaysan araadooda aan xuduuda lahayn.

Waa in aan samaynaa waxa aan u aragno inuu haboon yahay ama wanaagsan yahay, aanan muhiimad wayn siinin Dadka hadalkooda iyo waxa ay samaynayaan. Marka ay bilaabaan in ay wax kaa sheegaan oo aan wanaagsanayn ka fogoow meesha dushana ka tuur hadalkooda, waxaadna ogaataa qof waliba oo bulshada ka mid ah waxa uu leeyahay hab-fikir u gaar ah. Hadalka Alle aan ku dadaalno asagaa inoo daawo ah, aana ka fogaano hadalka Dadka waaba cuduree.

Qaybta 1aad
(W/Q: Sayid Ahmed M. (Sayidka)

Comments

Popular posts from this blog

Mallaha Xun iyo Saamayntiisa

Dadka waxaa ugu Qeyr badan kan ugu Anfaca badan

Qaraxii Zoobe maxaa lagu Xasuusan doonaa?